Hantida PSF oo loo go'aamiyay Agaasimihii xilka laga qaadey

Image

BOOSAASO, Puntland - Kadib kulan 10 maalmood socday, waxay Isimada gobolka Bari war kasoo saareen xaaladda Boosaaso, iyagoo go’aamiyay in ay dhaqan-gasho digreetadii Madaxweyne Deni uu xilka uga qaadey agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano 24-kii bishii lasoo dhaafay.

Waxay Isimada sheegeen in dowladda Puntland laga doonayo inay bixiso mushahaarka 13 bilood, oo ka maqan Ciidanka PSF, taasoo kamid ah shuruudaha agaasimhii hore uu xilka ugu wareejinayo midka cusub ee loo soo magacaabey hay’adda Maxamed Amiin.

Qoraalka Isimada oo ka kooban shan qodob ayaa waxaa ku jira qodobo ay kamid yihiin in Agaasimihii hore Maxamuud Cismaan Diyaano inuu isaga leeyahay guryaha, hubka iyo Gaadiidka haya’adda PSF ku shaqeynaysay.

Waxay dowladda Puntland ka dalbadeen inay bixiso mushahaarka Ciidanka ilaalada gaarka agaasimhii hore, sidoo kale ay hay’adda PSF ay u wareejiyo meel kale, maadaama xaruntii ay ku shaqeynaysay u xukmiyeen inuu leeyahay Maxamuud Cismaan Diyaano.

Lama oga inay dowladda aqbali doonto dalabka Isimada, kaasoo kusoo beegmaya xili dhawaan Madaxweyne Deni sheegay in aan ka shaqeyn doonin Puntland hay’ad dowladeeda oo shaqsi leeyahay, waxaana u uku adkaystay go’aankiisa in PSF hogaankeeda lamid noqdo midka hay’adaha kale ee amniga.

PSF oo Mareykanka uu taageero ayaa mudo dheer ahayd hay’ad agaasimiyaashii ugu badnaa ay kasoo jeeda qoyska reer Diyaanno, oo si gaar ah u maamulayay dhaqaalaha Pentagon siiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM