Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo shaashadaha kasoo muuqday

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Kooxda la magac-baxday dowladda Islaamka ee dagaalka Suuriya iyo Ciraaq looga adkaadey ayaa baahisay muuqaal ku saabsan faraceeda Soomaaliya.

Muuqaalkaasi oo dhowr-daqiiqo ah balse aanan la xaqiijin karin goorta iyo goobta lagu duubay ayaa waxaa kasoo muuqday hogaamiyaha ururkaasi.

Sidda ku xusan muuqaalka, Cabduqaadir Muumin ayaa waxa uu bogaadinayaa shaqadda ay hayaan dagaalameyaasha kooxdaasi "argagixisadda ah".

Muumin ayaa wuxuu ku tartarsiinayaa maleyshiyaadkiisa "dulqaad" xiliyadda ay weerarada kala kulmaan xoogaga dowladda iyo weerarka cirka ee Mareykanka.

Horjoogahan oo horey uga soo goostay Al-Shabaab ayaa wuxuu tilmaamayaa in xubnaha ka barbar-dagaalamaya ay ka kala yimaadeen wadamo iyo magaalooyin kala gedisan ee caalamka ah.

Muuqaalka oo muujinaya koox dagaalameyaal ah oo xiran darees lamida kuwa ay mararka qaar lagu arko Al-Shabaab ayaa u muuqda mid lagu duubay tuulo buuraley ah.

Waa markii ugu horeysay oo muddo kadib uu Cabdiqaadir Muumin kasoo muuqdo shaashadaha ama muuqaalo iyadda oo dhowaan la khaarijiyey ku xigeenkiisa.

Cabdixakiin Dhoqob iyo shaqsi kale oo la socday ayaa waxaa bishii April ee sanadkan lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo uu Mareykanka fuliyey gobolka Bari. [Halkan ka akhriso]

Daacish ayaa waxay dalka Soomaaliya kaga sugan qeybo kamid ah gobolada Puntland, halkaasi oo ay kaga dhuumaaleystaan degaanada buuraleyda ah.

Madaxweyne Deni ayaa wuxuu wacad ku maray in xukuumadiisa ay xididaha u siibi doonto kooxdaasi xili Mareykanka uu kordhiyey gulufka ka dhanka ah ururkaasi.

Daacishta Soomaaliya oo soo ifbaxday 2015-kii ayaa waxaa aas-aasey Cabdiqaadir Muumin kaasi oo isaga qudhiisa iyo xubnaha u dagaalama ay qaarkood kasoo goosteen Al-Shabaabka xiriirka la leh Al-Qaacida.

Labada kooxood oo ugaarsi isku haya waxaa dhex-maray dagaalo kharaar oo khasaaro naf iyo maalba uu kasoo gaarey, waxayna sidoo kale siyaabo kala duwan isaga toogteen gacan ku dhiigleyaal.

Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay howlgalo cirka ah oo uu Mareykanka fuliyey Puntland ayaa wuxuu wadar ahaan labadan maleyshiyaad uu kaga laayay ku dhowaad 30 xubnood.

Kooxdan oo tiro ahaan xubnaheeda aad ugu yar Al-Shabaab ayaa hadda isku dayaysa inay is-ballaariso, iyadoo malaayiin dollar oo lacago baad ah ka hesha ganacsiga iyo Shirkadaha waaweyn ee dalka ku yaalla.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM