Hogaanka DF oo "guul u rajeeyay" Shirweynaha Wadatashiga Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Hogaanka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay "rajeynayaan in uu guuleysto Shirweynaha Wadatashiga Puntland," sidda uu ka dhawaajiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Axmed Ciise Cawad ayaa hogaaminaya wafdi balaaran oo ka socda xukuumadda dhexe oo shalay lagu soo dhaweeyay magaala madaxda Garowe.

Wafdiga oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa lagu casuumay ka qeybgalka Madasha oo furmeysa 15-ka bishaan Maaj ee sanadkan 2020.

Isagoo qeybta VIP-ga kula hadlay warbaahita, wasiir Cawad ayaa sheegay in madaxda Qaranka ay bogaadin badan u hayaan shacabka, dowladda Puntland iyo shirkaan uu madaxweyne Deni iclaamiyey.

"Shirkana waxay u rajeeyeen guul," ayuu xusay, isagoo kusoo gabagabeeyay: "Waxaan ka mahadcelinaya sidda wanaagsan ee nagula soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha".

Soo dhaweynta waxaa horkacayey Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta Puntland ahna guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada shirka.

Shirweynaha Wadatashiga Puntland ayaa waxaa qorshuhu yahay in mudada uu socdo lagu gorfeeyo xaaladaha guud ee ka jira wadanka gaar ahaan maamulka, waxaana gabagabada kasoo baxaya war-murtiyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM