Howlgal laga fulinayo Boosaaso iyo booliska Puntland oo war kasoo saarey

Image

BOOSAASO, Puntland - Taliyaha booliska Puntland, Jeneraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa ku dhawaaqay in ciidamada ay howlgal ka fulin doonaan Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari kadib markii ay kusoo kordheen dilalka qorsheysan.

Isagoo ka hadlayay Shir jaraa'id, taliye Muxudiin ayaa sheegay inay diyaareen ciidamo gaar ah, oo howlgala ka sameynaya Boosaaso, isagoo ugu baaqey shacabka inay la shaqeeyaan, islamarkaana xogaha la wadaagaan hay'adaha amniga.

Ciidamada ayuu sidoo kale kula dardaarmay inay xiriir wanaagsan la yeeshaan dadweynaha, islamarkaana si wanaagsan ula dhaqmaan, islamarkaana aysan shaacin macluumaadka lala wadaago.

Magaaladda Boosaaso ayaa mudooyinkii dambe martigelinaysay dilal iyo weeraro, ay fulinayaan kooxaha argagaxisadda Al-Shabaab iyo Daacish ee saldhigyada ku leh buuraleyda gobolka Bari.

Afartii bishan waxaa gudaha Dekedda Boosaaso lagu dilay Paul Anthony Formosa, oo ahaa madaxii Shirkadda P&O ports u qaabilsanaa furdada magalaadda, iyadoo dilkiisa raggii geystay ay ciidamada toogteen.

Al Shabaab, oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacidda, kana howlgasha buuraha Galgala ayaa sheegatay dilka Paul Anthony Formosa, oo kasoo jeeday dalka Malta.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dilkancambaareeyay, waxaana uu ka codsaday shacabka iyo laamaha amniga inay iska kaashadaan kahor tagista falalka noocan ah, oo dhaawaca dhaqaalaha iyo maalgashiga.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM