Shaqaalaha wasaarada maaliyada PL oo tababar loo furay [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Tababar ku saabsan hanaanka Diyaarinta Miisaaniyadda ayaa loo furay howlwadeenada wasaarada Maaliyadda dowladda Puntland.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta wasaaradda, tababarkaan ayaa socon doona muddo Shan casho ah.

Casharada lagu baran doono tababarkaan ayaa ku saabsan doonan Miisaaniyada iyo sida ugu wanaagsan ee loo diyaarin karo.

Khuburo aqoon gaar ah u leh casharada ay bixinayaa ayaa dhigi doona tababarka, kaasi oo ay taageereyso hay’adda RCRF.

Ka qeybgaatayaasha ayaa cod dheer looga dalbaday in ay si wanaagsan u dhuuxaan carashada si bulshada ay uga faa’ideeyeen.

Wasaarada Maaliyadda waa mid kamid ah hay’addaha dowliga ah ee ugu muhiimsan Puntland, kana mid ah qorshayaasha isbedal ee Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni oo bartay dhaqaalaha ayaa wacad ku maray in uu la dagaalami doono musuq-maasuqa, isla markaana uu kobcin doono dhaqaalaha dowladda Puntland.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM