Shaqaalaha wasaarada maaliyada PL oo tababar loo furay [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Tababar ku saabsan hanaanka Diyaarinta Miisaaniyadda ayaa loo furay howlwadeenada wasaarada Maaliyadda dowladda Puntland.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta wasaaradda, tababarkaan ayaa socon doona muddo Shan casho ah.

Casharada lagu baran doono tababarkaan ayaa ku saabsan doonan Miisaaniyada iyo sida ugu wanaagsan ee loo diyaarin karo.

Khuburo aqoon gaar ah u leh casharada ay bixinayaa ayaa dhigi doona tababarka, kaasi oo ay taageereyso hay’adda RCRF.

Ka qeybgaatayaasha ayaa cod dheer looga dalbaday in ay si wanaagsan u dhuuxaan carashada si bulshada ay uga faa’ideeyeen.

Wasaarada Maaliyadda waa mid kamid ah hay’addaha dowliga ah ee ugu muhiimsan Puntland, kana mid ah qorshayaasha isbedal ee Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni oo bartay dhaqaalaha ayaa wacad ku maray in uu la dagaalami doono musuq-maasuqa, isla markaana uu kobcin doono dhaqaalaha dowladda Puntland.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM