Imaaraadka oo balaarinaya garoonka diyaaradaha Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay balaarineyso garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland.

Wafdi balaaran oo ka socda xukuumadda Abu Dubai ayaa Talaadada maanta ah waxay tageen xarunta gobolka Bari, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomadda Puntland iyo wafdiga oo war-fidiyeenka la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in mashruucan uu ku bilaaban doono sida ugu dhow uguna macquulsan.

"Waxaan u diyaarin doonaa in uu noqdo garoomada ugu fiican, ugu adeega iyo shaqadda fiican Geeska [qaaradda] Afrika," ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Xusseen Cismaan Lugatoor [Gabilay].

Sheekh Xasan Saciid, oo kamid ah wafdiga ka socda Imaaraadka Carabta, ayaa farxad weyn waxa uu ka muujiyey mashruucan ay fulinayaan.

Hase ahaatee, dhinacyadda ayaa waxa aysan u soo bandhigin saxaafadda waqtiga la bilaabayo dhismaha garoonka iyo cadadka lacagta ku baxeysa balaarintiisa.

Talaabadan ayaa imaaneysa iyada oo lagu wado in Boosaaso ay martigeliso 1-da bisha Janaayo 2020-ka Carwo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgeshi iyo ganacsiga wadaniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM