Imaaraadka oo balaarinaya garoonka diyaaradaha Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay balaarineyso garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland.

Wafdi balaaran oo ka socda xukuumadda Abu Dubai ayaa Talaadada maanta ah waxay tageen xarunta gobolka Bari, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomadda Puntland iyo wafdiga oo war-fidiyeenka la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in mashruucan uu ku bilaaban doono sida ugu dhow uguna macquulsan.

"Waxaan u diyaarin doonaa in uu noqdo garoomada ugu fiican, ugu adeega iyo shaqadda fiican Geeska [qaaradda] Afrika," ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Xusseen Cismaan Lugatoor [Gabilay].

Sheekh Xasan Saciid, oo kamid ah wafdiga ka socda Imaaraadka Carabta, ayaa farxad weyn waxa uu ka muujiyey mashruucan ay fulinayaan.

Hase ahaatee, dhinacyadda ayaa waxa aysan u soo bandhigin saxaafadda waqtiga la bilaabayo dhismaha garoonka iyo cadadka lacagta ku baxeysa balaarintiisa.

Talaabadan ayaa imaaneysa iyada oo lagu wado in Boosaaso ay martigeliso 1-da bisha Janaayo 2020-ka Carwo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgeshi iyo ganacsiga wadaniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM