India oo amaantay kaalinta Puntland ee amniga iyo xasiloonida Soomaaliya

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Caasimadda Dalka Kenya ee Nairobi kulan kula qaatay Safiirka dalka Hindiya ee Soomaliya, Ambassador Rahul Chabbra.

Kulanka oo ahaa mid muhiimaddiisu sareysey, ayna labada dhinac si weyn u soo dhoweeyeen ayaa waxaa looga wadahadlay arrimaha ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo tababarada shaqaalaha rayid ka ah ee Puntland.

Ambassador Rahul Chabbra ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay kulankan muhiim ka ah, waxaana uu Dowladda Puntland ku amaanay kaallinta ay ka qaadatay amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, iyo ladagaalanka Burcad Baddeeda.

Safiirka ayaa balan qaaday in Puntland ay dhinacyo badan iska kaashan doonaan si xiriirka labada dhinac uu u noqon lahaa mid waxbadan oo faa'iido leh soo kor dhiya.

Madaxweyne Deni oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Dalka Kenya oo uu halkaasi kulamo kala duwan oo heer caalmi ah kula qaadanayey beesha caalamka ayaa aad u soo dhaweeyey dhankiisa kulanka waxaana uu xusay in Puntland ay diyaar u tahay ka shaqaynta kor u kaca xiriirka soo jireenka ah ee Puntland iyo Hindiya

Puntland  State House

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM