Iskaashiga ay isku raaceen Puntland iyo Galmudug oo la bogaadiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dalka ayaa soo dhaweeyay kulankii ay shalay magaalada Gaalkacyo ku yeesheen madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa isla meeldhigay iskaashi ay dowlad goboleedyadda ka yeeshaan dhinacyada; dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda nabadda iyo dhaqaalaha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa rajeeyay in ay labada masuul in ay ka mira-dhaliyaan daddaalka ay bilaabeen ee ku aadan iskaashi ay yeeshaan

"Waxaan bogaadinayaa kulanka labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug. Is faham, wadashaqayn iyo Iskaashi dhexmara Galmudug iyo Puntland wuxuu dan u yahay xasiloonada labada dawlad Goboleed iyo danta guud ee Soomaaliya. Waxaan ka rajaynaynaa labada masuul in ay ka mira dhaliyaan daddaalka ay maanta bilaabeen," ayuu kusoo qoray Facebook.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee Galmudug oo bogaadiyey kulan, ayaa filaya "in wadahadalada ay buuxiyaan himilooyinka labada bulsho iyo maamul ee ay hoggaanka u yihiin".

"Waxaan boggaadinayaa soona dhaweynayaa kulanka maanta magaalada Gaalkacyo ku dhex maray labada madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland, kulankaas oo muhiim u ah nabadda iyo xasiloonida gobalka mudug gaar ahaan iyo dowlad dhisidda Soomaaliya guud ahaan," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Waxaan ka rajeynayaa laba hogaamiye inay ka soo saari doonaan wadahadaladooda wax yaabo buuxin kara himilooyinka labada bulsho iyo labada maamul ee ay hoggaanka u yihiin.

Maamuladda Puntland iyo Galmudug ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay xoojiyey wadashaqeyntooda, waxaana ay ku guuleysteen in ay xaqiijiyaan nabad-gelyada Gaalkacyo, lagana sifeeyo argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM