Jinsiyadaha ajaaniib ku biirtay Daacishta Soomaaliya oo la shaaciyey

Image

BOOSAASO, Puntland – Dagaalameyaal cusub oo tiradooda ay gaareyso 30 kuwaasoo ay ku jiraan shan ajaaniib ah ayaa dhowaan ku biiray Daacishta Soomaaliya, sidda lagu sheegay warbixin sirdoon.

Ajaaniibta ayaa lagu waramay in saddex kamid ah ay u dhasheen Yemen, halka labada kale ay kasoo jeedaan waddanka Ciraaq.

Warbixinta mukhaabaraadka ayaa tooshka ku ifisay in ISIL-Somalia ay xoojisay qorashada xubno cusub isla markaana ay quudareyneyso ajaaniib si ay ugu xoojiso istaraatiijiyadeeda gobolka.

Maleeyshiyaadka cusub ayaa tababar ku degay xerada Bake al-Qurayshi oo Daacishta Soomaaliya ka sameysatay buuraleyda Goolis, gobolka Bari ee dowladda Puntland.

Saraakiisha ayaa rumeysan in kooxdu qorsheyneyso in ay ciidamo horleh u daabusho koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay ku xoogan tahay xarakada Al-Shabaab.

ISIL-Somalia oo Puntland kasoo ifbaxday 2015-kii ayaa sheegatay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay 13 weerar ka fulisay degaanada maamulkaas, oo ay ka socdaan olole la doonayo in lagu wiiqo.

Hase ahaatee, wargeyska afka dheer ee la yiraahdo Military Times ayaa aaminsan in kaliya 12 weerar uu ururku ka fuliyo degaanadda Puntland.

Is-balaarinta ay waddo Daacishta Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa iyaddoo Mareykanka iyo Puntland ay doonayaan in kooxda laga sifeeyo degaanada ay ku sugan yihiin lana xoojiyo baacsiga argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM