Kalfadhiga 48aad ee xeerdejinta Puntland oo furmay

Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga ayaa jeediyey khudbadiisa dastuuriga ah.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Madaxweynaha Dawladda Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa furay kalfadhiga, sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Furitaanka Kal-fadhiga 49aad waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Senator-da Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Wasiiro, Taliyeyaasha ciidanka iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha ayaa ka hadlay arrimaha Doorashooyinka Dawladaha hoose ee Puntland kubas oo ka qabsoomay degmooyinka Eyl, Qardho iyo Uffeyn.

"Anigoo ka faa’iidaysanaya Munaasibadan qiimaha badan, waxaan boggaadinayaa sida habsamida leh ee ay inoogu socoto geedi-socodkii dimuqraadiyeynta Puntland gaar ahaan doorashooyinkii hordhaca ahaa ee ka qabsoomay Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaan hawshaas ballaaran uga mahadcelinayaa dhammaan shacab weynaha Puntland, Golayaasha Dawladda, Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland ee TPEC, Ururada siyaasadda, Hay’adaha inaga taageera arrimaha doorashooyinka, saxaafadda iyo ciidamada amniga iyo nabadgelyada, waxaan Allah ka rajeyneynaa in doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka harsan guul inoogu qabsoomi doonaan".

Dhinaca kalena, Madaxweynaha Dawladda Puntland, Siciid Cabdullahi Denni ayaa khudbad Dastuuri ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 49aad ee Golaha Wakiillada DPL isaga oo ka hadlay guud ahaan xaaladaha dalka ee Amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM