Karaash oo furay Shirka Dib-u-eegista Mashruuca JPLG

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magaalada Qardho ka daah-furay Shirka dib u eegista adeeg bixinta baahsan ee degmooyinka, guulaha la gaaray iyo caqabadaha Jira.

Shirkaan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinayey, xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Agaasimayaasha guud, guddoomiyayaasha degmooyinka, howl wadeeno kale oo ka socday dowladda iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa shirka khudbad uu ka jeediyay waxa uu ku dheeraaday muhiimadda shirkaan looga hadlayo horumarinta degmooyinka Puntland.

"Waxaynu halkaan isugu nimid inaynu dib u milicsano howlihii sanadka 2018-2019 ee adeeg bixinta fidsan ee dowlaha hoose, wixii inoo qabsoomay, wixii inaka baaqday, Caqabadaha jira iyo xal u helliddooda iyo hiigsigeena Mustaqbalka". Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed karaash.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay inay qabsoomeen howlihii adeeg bixinta ee tijaabada ahaa ee uu ka howlgalo mashruuca JPLG, kaas oo ay iska kaashadaan dowladda Puntland iyo hay'addaha Qaramda Midoobay, waxaana uu xusay in loo baahan yahay in dedaalka halkaasi laga sii badiyo.

Ugu dambayn, Karaash ayaa kasoo qayb galayaasha ku booriyay inay shirkaan maanta kasoo saaraan Talooyin ku aadan sidii loo gaadhi lahaa adeeg bixin baahsan oo laga hirgaliyo dhammaan degmooyinka, taas oo ay taageerayso dawlada dhexe ee Puntland.

Puntland State House

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM