Karaash oo guddoomiyey shirka maamul baahinta dowladda Puntland

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey shirka maamul baahinta Puntland oo ay ka qeybgaleen Wasaaraddaha kushaqo leh sida Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Qorsheynta, Howlaha Guud, Haweenka, Maaliyadda iyo Tamarta, Biyaha iyo Macdanta.

Wasaaradaha ka shaqeynaya maamul baahinta ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland warbixin ka siiyey waxyaabaha u qabsoomay, sida horumarka Wasaaraduhu ka gaareen maamul baahinta ,shaqooyinkii u qabsoomay iyo guulaha laga gaaray qorsheyaashii lagu dejiyay shirarkii ugu danbeeyay ee ku saabsana maamul daadajinta.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey shaqada socota, waxaana uu kula dardaarmay dhammaan masuuliyiinta wasaaraddaha in lasii dardargeliyo shaqada si adeega dowladdnimo loo gaarsiiyo dhammaan dadweynaha reer Puntland.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM