Karaash oo tababar u soo xiray 250 oo ka tirsan Ciidanka Birmadka

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tababar usoo xidhay 250 Askari oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada dowladda Puntland oo muddo 8-bilood ah uga socdey xerada 54-aad ee taliska ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Xidhitaanka tababarkani ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyaha Ciidanka Daraakiishta, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddiga La-taliyayaasha Arrimaha Ciidanka ee Madaxweynaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Birmadka Madaxtooyada, saraakiil ka tirsan ciidanka Daraashiishta Puntland iyo masuuliyiin kale.

Ciidanka Birmadka ee maanta tababarku usoo xidhmay ayaa soo bandhigay xirfadaha iyo xeeladaha ciidanka, tabta difaaca xuduudaha dalka ee ka hortagga cadawga, sugidda amniga Madaxda, suggidda amniga shacabka, baadhitaanka goobaha ay ka dhacaan hawlgaladu, xeeladaha ka hortagga cadawga shacabka kusoo dhex-dhuunta, ad-adayg, edaab ‘’Asluub’’, ka hortagga xaaladaha deg-degga ah iyo xirfado kale oo muhiim ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo usoo xidhay tababarkani ciidanka ayaa bogaadiyey dedaalka dheer ee masuuliyiinta ciidanku ku bixiyeen dhismaha iyo tababarka xirfadaysan ee ciidanku maanta soo bandhigeen.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo usoo xidhay tababarkani ciidanka ayaa bogaadiyey dedaalka dheer ee masuuliyiinta ciidanku ku bixiyeen dhismaha iyo tababarka xirfadaysan ee ciidanku maanta soo bandhigeen.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in farxaddani iiraacdo farxaddii 01 Ogoosto 2019 sanadguuradii 21-aad oo aan aragnay cududda iyo xirfadda ciidankeena, waxaanna is leeyahay cadawgii Puntland isagoo awelba calool xumo qabey maanta ayaa ciidamada Puntland Adhaxda ka jebiyeen, ciidankani waxay ku guulaysteen tababarkoodii, waxaan faraynaa oo kula dardaarmaynaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraashiishta In tababarka ciidanka la joogteeyo oo la dedejiyo xeryahooda iyo rugaha ciidanka” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shahaadooyin Guddoonsiiyey macalimiinta ciidanka tababarayey iyo ciidanka kaalmaha hore ka galay tababarka ciidanka mudadii uu socdey.

Puntland State House

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM