Khasaaro ka dhashay roobab dabaylo wata oo ka da'ay Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Ugu yaraan shan kalluumeysato Yemeni ah ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen roobab dabaylo wata oo saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay degaanada xeebta ku teedsan ee dowladda Puntland.

Kalluumeysata ayaa meydkooda laga helay degmadda Xaafuun, sidda ay khadka telefoonka warsidaha Garowe Online ugu sheegeen dadka degaanka.

Sidda ay sheegayaan warar madax-banaan, laasash iyo samiixado ay lahaayeen doonyo kalluumeysato ayaa si lamid ah ku burburay roobabta mahiigaanka ah, waana qayb kamid ah khasaaro maaliyadeed.

Isgarsiinta Xaafuun ayaa hawada ka maqan, waana mid kamid ah saameynta ka dhalatay roobabka. Shirkaddaha isgaarsiinta Golis iyo Somtel waxay xaqiijiyeen in xarumahooda degmaddan aysan shaqo ka socon.

Dhanka kale, degaanka Hurdiya oo roobabka dabaylaha watay ku da'een ayaa laga soo sheegay khasaaro maaliyadeed si gaar ah burburka guryo dad shacab ah. Illaa haatan, lama soo warin waxyeelo nafeed – geer iyo dhaawac.

Mas'uuliyiintan degaanada ay roobabka ku da'een ayaa shaaca ka dhigay in ay ka shaqeynayaa sidii gurmad u heli lahaayeen dadka saameynta ay gaartey, iyagoo u tacsiyeeyay qoysaska iyo ehelka ajaaniinta geeriyootay.

Rayidka ayay ku booriyeen in ay ka fogaadaan degaanada xeebaha ku teedsan, halka kalluumeysatadana ay ku waaniyeen in aysan jilaabasho doonan maadaama la saadaalinayo roobab dabaylo wata in ay soo wajahan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM