Khayre oo amaaney Puntland iyo Shacabkeeda [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ku sugan Garowe, isagoo ka qeybgalaya Shirka Wadatashiga ayaa xalay booqday booqday qaar kamid ah goobaha ay bulshadu ku kulanto ee magaalada.

Khayre ayaa afurkii kadib tagey meelaha lagu caweeyo, isagoo la fariistay qaar kamid ah dadka shacabka ah oo ka dhageystay fekradahooda ku aadan dowladnimada iyo dedaallada socda ee dib loogu soo celinayo Soomaaliya, kadib in ka badan 25 sano oo colaado ka socdeen.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa aad u bogaadiyay nabad geliyada iyo horumarka ay sida wadajirka ah uga shaqeeeyaan shacabka iyo Dowladda Puntland, taasoo uu sheegay inay tusaale u tahay qeybaha kale ee dalka, ee aan amniga ka jirin.

Madaxda dalka ayaa shir mudo shan maalmood ah uga socda Garowe, kaasoo looga golleeyahay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Qodobada ugu waaweyn ee miiska saaran ayaa kamida; Dastuurka, Sharciga Batroolka, sharciga Doorashooyinka, wadaagga Khayraadka iyo khilaafka Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM