Kordhinta dakhliga furdooyinka Puntland oo laga shiray

Image
Image
Image
Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi, ayaa guddoomiyey kulankan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Xasan Shire Cabdi, ayaa shir ku saabsan Kor u qaadista Dakhliga Furdooyinka Puntland la qaatay Maamulaha Furdooyinka Puntland iyo Maamulka Furdada Dekada Boosaaso. 

Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyey Goobaha kala duwan ee ay Maraakiibta iyo Doonyuhu ku soo xirtaan Dekada Boosaaso halkaasi oo shaqo xawli ah ka socotay. 

Agaasimaha Furdooyinka Puntland iyo mas'uuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa wasiirku kulan la yeeshay.

Kulanka ayaa looga wada hadlay kobcinta iyo kor u qaadista Dakhliga Guud ee Furdooyinka Puntland iyo Horumarinta iyo Casriyeenta Sistamka canshuur qaadidda Dekada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM