Kulamo la doonayo in lagu ansixiyo Xukuumadda PL oo ka socda Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Dedaallo siyaasadeed oo ku aadan ansixinta Xukuumadda cusub ee Puntland ayaa waxay ka soconaya magaaladda Garowe, iyadoo Wasiiradda iyo Madaxweynaha ay kulamo la yeelanayaan Xildhibaanada Gollaha Wakiiladda.

Macluumaad hoose oo uu helay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in maalinta Berri ah Gollaha Wasiiradda hortagi doonaan Baarlamanka, si ay codka kalsoonida u waydiistaan, kadib markii shalay lagu dhaariyay xarunta Madaxtooyadda.

Kulamo gaar-gaar ah ayay Wasiiradda cusub iyo Madaxweyne Deni kula yeelanayeen tan iyo xalay magaaladda Garowe, iyadoo wararku ay sheegayaan in Xukuumadda u badan tahay in la ansixiyo Berri.

Gollaha Wasiiradda cusub ee Puntland ayaa waxay ka kooban yihiin 48 xubnood, oo isagu jira 18 Wasiir, 6 Wasiiru dowle iyo ku xigeenno, kuwaasoo 44 kamida shalay la dhaariyay, iyadoo 4-ta hartay ay cudur daar uga maqnaadeen dhaartinta.

Shacabka Puntland ayaa si weyn usoo dhaweeyay magacaabista Xukuumadda Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqay tobaadkan, taasoo tiro ahaan ka yar midii hore ee Cabdiweli Gaas.

Deni ayaa shalay la kulmay Gollahiisa Wasiiradda isagoo kula dardaarmay in ay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM