Kulan looga hadlay ammaanka oo ka qabsoomay Boosaaso

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan muhiim ah kula qaatay Guddiga Amniga magaalada Boosaaso.

Kulanka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Guddiga Amniga Boosaaso ayaa waxaa ka warbixiyey Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

"Waxaa Madaxtooyada magaalada Boosaaso noogu qabsoomay shirkii Amniga gobolka Bari oo uu shir guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ujeedada ugu weyn ee laga wada-hadlaayeyna waxa ay ahayd sidii looga wadashaqayn lahaa Amniga magaalada, sidii isku xidh amni loo helilahaa"

Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni ayaa ahmiyadda koowaad waxay siisay ammaanka, taasi oo ay ugu horeysay xarunta ganacsiga Puntland.

"iyo in Madaxweynuhu warbixin ka qaato qorshayaashii hore wixii ka qabsoomay ee dowladdu dejisey, waxa qabyada ka ah iyo sababta ay u qabsoomiwaayeen, waxaan rajaynaynaa xogta iyo shaqooyinka aanu qabanay ee aanu u gudbiney inuu la wadaago xukuumadda, sidoo kale waxaan rajaynaynaa inaan hirgelino talooyinka iyo amaawiirta uu nafaray," ayuu yiri Duqa degmada Boosaaso.

Kulankan oo qabsoomay Sabtidii ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo mudooyinkii dambe ammaanka magaaladda uu hagagasanaa, ciidamaduna ay kordhiyeen howlgalada xasiloonida lagu soo celinayo.

Boosaaso, oo ah magaalo leh dekad isla markaana ah isha dhaqaale ee ugu muhiimsan Puntland, ayaa waxay sidoo kale dhanka koonfur ay kaga taalaa gacanka Cadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM