Kulan looga hadlay ammaanka oo ka qabsoomay Boosaaso

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan muhiim ah kula qaatay Guddiga Amniga magaalada Boosaaso.

Kulanka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Guddiga Amniga Boosaaso ayaa waxaa ka warbixiyey Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

"Waxaa Madaxtooyada magaalada Boosaaso noogu qabsoomay shirkii Amniga gobolka Bari oo uu shir guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ujeedada ugu weyn ee laga wada-hadlaayeyna waxa ay ahayd sidii looga wadashaqayn lahaa Amniga magaalada, sidii isku xidh amni loo helilahaa"

Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni ayaa ahmiyadda koowaad waxay siisay ammaanka, taasi oo ay ugu horeysay xarunta ganacsiga Puntland.

"iyo in Madaxweynuhu warbixin ka qaato qorshayaashii hore wixii ka qabsoomay ee dowladdu dejisey, waxa qabyada ka ah iyo sababta ay u qabsoomiwaayeen, waxaan rajaynaynaa xogta iyo shaqooyinka aanu qabanay ee aanu u gudbiney inuu la wadaago xukuumadda, sidoo kale waxaan rajaynaynaa inaan hirgelino talooyinka iyo amaawiirta uu nafaray," ayuu yiri Duqa degmada Boosaaso.

Kulankan oo qabsoomay Sabtidii ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo mudooyinkii dambe ammaanka magaaladda uu hagagasanaa, ciidamaduna ay kordhiyeen howlgalada xasiloonida lagu soo celinayo.

Boosaaso, oo ah magaalo leh dekad isla markaana ah isha dhaqaale ee ugu muhiimsan Puntland, ayaa waxay sidoo kale dhanka koonfur ay kaga taalaa gacanka Cadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM