Laamaha ammaanka Puntland oo fashiliyey "weerar argagixiso"

Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Hay'adaha nabad-gelyadda dowlada Puntland ee gobolka Bari ayaa shaaciyey in ay fashiliyeen "weerar argagixiso" kadib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen magaaladda Boosaaso.

Sidda laga soo xigtay saraakiisha, weerarka oo la damacsanaa in loo adeegsaday qaraxyo ayay laamaha ammaanka ku guuleysteen in ay ka hortagaan.

Miinooyinka ayaa laga soo saarey nawaaxiga masjidka Rashiid ee Boosaaso, sidda uu maamulka gobolka Bari u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Ciidamadda booliska oo kaashanaya cutubyadda si gaarka ah u tababaran ee ciidamadda Puntland ayaa si wadajir ah u fuliyey howlgalka.

"Ciidamada PSF oo kaashanaya Police qaybta Gobolka Bari ayaa waxay ku guuleysteen in ay fashiliyaan qaraxyo lagu diyaariyey guri ku yaala magalaada Boosaso, qaraxaas oo loogu talo galay in lagu waxyeeleyo shacabka reer Puntland ee magaaladda Boosaaso," ayuu yiri taliska ciidamadda.

Qoraalka ayaa ku daray: "Taageer ciidamada si loo sugo Amniga, adigoo ku wargelinaya waxkasta oo dhib gaarsiin kara Bulshada".

Mas'uuliyiinta ayaa kaga mahadceliyey ciidamadda naf-hurnimadda ay sameeyeen kuna booriyey in ay xoojiyaan howlgaladda lagu sugayo xasiloonida.

Booaaso ayaa martigelineysa wafdi heer sarre ah oo uu horkacayo madaxweynaha Jubaland, oo socdaal maalmo qaadanaya ku jooga xarunta gobolka Bari lana kulmay dhigiisa Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM