Liiska rasmiga ah ee Musharaxiinta Puntland oo la shaaciyey [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga qaban-qaabadda ee doorashada Madaxwaynaha iyo ku xigeenka Puntland ayaa soo saarey liiska kama dambeysta ah ee Musharaxiinta ku tartameeysa doorashadda 8-da January 2019.

Sida ku cad war qoraal ah oo uu Guddigu soo saarey, 21 musharax ayaa isku diiwaan-gelisay inay utartanto xilka Madaxwaynaha, halka 11 kale ay ku loolamayaan jagada madaxwayne ku xigeenka.

Liiskaan ayaa ah midka kama dambeyska ah ee sida rasmiga ah loo diiwaan-geliyay maanta, islamarkaana soo buuxisay shuruudihii laga rabay, waxayna Khudbado u jeedin doonaan Gollaha Wakiiladda kahor doorashadda.

Doorashadda oo si wayn isha loogu hayo ayaa lagu wadaa inay qabsoonto maalinta Talaada ah ee todobaadkan, iyadda oo amniga caasimad goboleedka Nugaal iyo xarunta maamulkaan si wayn loo sugayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM