Liiska rasmiga ah ee Musharaxiinta Puntland oo la shaaciyey [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga qaban-qaabadda ee doorashada Madaxwaynaha iyo ku xigeenka Puntland ayaa soo saarey liiska kama dambeysta ah ee Musharaxiinta ku tartameeysa doorashadda 8-da January 2019.

Sida ku cad war qoraal ah oo uu Guddigu soo saarey, 21 musharax ayaa isku diiwaan-gelisay inay utartanto xilka Madaxwaynaha, halka 11 kale ay ku loolamayaan jagada madaxwayne ku xigeenka.

Liiskaan ayaa ah midka kama dambeyska ah ee sida rasmiga ah loo diiwaan-geliyay maanta, islamarkaana soo buuxisay shuruudihii laga rabay, waxayna Khudbado u jeedin doonaan Gollaha Wakiiladda kahor doorashadda.

Doorashadda oo si wayn isha loogu hayo ayaa lagu wadaa inay qabsoonto maalinta Talaada ah ee todobaadkan, iyadda oo amniga caasimad goboleedka Nugaal iyo xarunta maamulkaan si wayn loo sugayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM