Damaashaadka 1-da August iyo Madaxtooyadda Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Xaflad si heer sarre ah loosoo agaasimay ayaa habeenimadii Khamiista lagu qabtay Madaxtooyadda Puntland ee Garowe, taasi oo lagu maamusayo 1-da August, maalintii la yag-leelay maamulkan.

Hogaanka dowladda Puntland oo uu ugu sareeyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa, afhayeenka baarlamaanka iyo marti sharaf kale ayaa kasoo muuqatay munaasabadda.

Mas'uuliyiinta oo khudbado kala duwan jeediyay ayaa waxay diiradda ku saareen taariikhda fog ee ay leedahay Puntland, wixii u qabsoomay iyo horumarka ay dalka gaarsiisay.

Madaxda xafladda kasoo qaybgashay ee martida ah ayaa waxaa kamid ah gudoomiyaha Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare iyo xubno ka socda beesha caalamka.

Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo Aqalka Sare ka tirsan, madaxweynihii hore kana mid ahaa aas-aaseyayaashii Puntland ayaa sidoo kale xaadir ku ahaa madasha kana hadlay.

Ka qeybgaleyaasha waxaa ku jiray Isimo, Fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo bogaadiyey qaabka loo qaban-qaabiyey xuskan maalintan qiimaha badan.

Bishii Agoosto 1-deeda sanadkii 1998-dii ayay ahayd markii la aas-aasay Puntland, taasi oo ka dhigeysa maamulka ugu da'da weyn kuwa xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya.

MUUQAALKA XAFLADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM