Maamul daadejinta degmooyinka Puntland oo la xoojinayo

Image
Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa horumarada haatan soconaya.

GALMUDUG, Soomaaliya - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa wuxuu maanta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo madaxa mashruuca horumarinta degmooyinka ee (JPLG) ee Soomaaliya,  Paul Simkin.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa mashruuca horumarinta degmooyinka ee Puntland ka socda, sidii la iska gakaashan lahaa Maamul baahinta guud ee degmooyinka iyo doorashooyinka Dowladdaha Hoose ee Puntland.

Gabagabadii, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda ayaa uga mahadceliyey wada-shaqaynta buuxda ee ka dhexeeysa  Dowladda iyo hay'adaha bahwadaagta ku ah mashruucaan waxaana uu sheegay inay ka go'an tahay Dowlad ahaan joogtaynta iyo sare u qaadista mashruuca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM

Puntland: Howlgalka Calmiskaad oo guulo laga gaaray

Dhinaca kale, ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari siday raashin, iyadoo la qabtay laba nin oo waday gaarigaas.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 05:47PM