Maamul iyo taliye qeybeed boolis cusub oo loo magacaabey Karkaar

Image

GAROWE, Puntland - Maamul iyo taliye boolis cusub ayaa waxaa loo magacaabey gobolka Karkaar oo kamid ah kuwa ugu muhiimsan ee hoos-yimaada Puntland.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu Siciid Maxamed Faahiye ka dhigay guddoomiyaha cusub ee maamulka Gobolka Karkaar.

Si lamid ah digreeto madaxweyne ayaa Sabtida maanta ah soo baxdey ayaa waxaa Cabdicasiis Yuusuf Maxamuud Caamir loogu magacaabey Guddoomiye ku-xigeenka.

Dhanka kale, digreeto kale oo isla maanta lasoo saarey ayaa waxaa Gaashaanle Dhexe Cabdulqadir Jaamac Dirir looga dhgay Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska gobolkaasi.

Xafiiska hogaamiyaha Puntland ayaa shaaciyey in shaqsiyaadkan uu Mr Deni ku xushay aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda shaqo si lamid ah talo soo jeedinta wasaarada arrimaha gudaha.

Isbedelka lagu sameeyay maamulka gobolka Karkaar ayaa waxay qeyb ka tahay dadaalo ay xukuumada cusub dib u habeyn ugu sameyneyso hay'addaha dowladda.

Ujeedada ka dambeysay dib u habeyn ayaa waxay madaxtooyaddu ku sharaxdey in ay tahay si bulshada u hesho adeegyada aas-aasiga ah ee ay uga baahan yihiin dowladda.

Dhanka kale, waxaa Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube loo magacaabay Guddoomiyaha Kooxda Waaberi Puntland.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa waxa uu Cabdicasiis Cilmi Yuusuf u magacaabay La-taliyaha Arrimaha Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Madaxtooyada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM