Maamulada oo is-dhaafsanaya ragga dambiyada geysta ee baxsadka ah

Image
Image

GAROWE, Puntland – Wasaaradaha Amniga maamulada Goboleedyadda xubnaha ka ah dowlada Soomaaliya ayaa kulan maalmo socday waxay ay ku yeesheen magaaladda Garowe, caasimadda Puntland.

Shirka oo lasoo gabagabeeyay Talaadada maanta ah ayaa laga soo saarey qodobo la sheegay in ay isku afgarteen dhinacyadda ka qaybgalay, kuwaasi oo si daahfuran loola wadaagay saxaafadda.

Dowladda Puntland waxaa Isu-imaatinka ku metalayay wasiir ku xigeenka amniga iyo DDR-ta, halka maamulada kale ay ka socdeen wasiirada amaanka.

Ka qaybgalayaasha ayaa si buuxda waxay iskugu raaceen in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo halis ku ah nabad-gelyadda iyo horumarka guud ahaan Umadda Soomaaliyeed.

Xubnaha ayaa isla qaatay in maamuladda ay isu-celiyaan ragga baxsadka ah ee falalka liddiga u ah amniga ka kala geysta degaanada dowlad goboleedyadda dalka, si cadaalad loo marsiiyo dambiilayaasha.

Mas'uuliyiinta ayaa go’aan-saday in ay yeeshaan shir saddex biloodba hal mar qabsoomaya, iyadda oo martigelinta kulankaasi ay marba yeelanayaa caasimadaha dowlad goboleedyadda dalka.

Wasiiradda ayaa hoosta ka xariiqay in laga wadashaqeeyo sidii loo yareyn lahaa qul-qulatooyinka Tahriibka oo sanadihii lasoo dhaafay si xowli ah u socday, iyada oo halka laga dhoofo ay Puntland tahay.

Magaaladda Boosaaso ayaa ah marinka ugu wayn ee ay adeegsadaan ragga iyo dumarka ee nafsadooda ku biimeynaya badda si ay Tahriibaan iyaga oo raadinaya nolol dhaanta ay dalkooda ku haystaan.

Wasiirada Amniga ee kulmay ayaa u yimid Garowe ka qaybgalka Shirka Wadatashiga ee dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada, kaasi oo lagu wado in gunaanudka war-murtiyeed laga soo saaro.

MUUQAALKA SHIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM