Macalin Maxamuud oo ka degay caasimadda Puntland ee Garowe

Image

GAROWE, Puntland – Hogaamiyihii Ahlu Sunna Waljameeca ayaa maanta oo Isniin ah ka degay Garowe, magaala madaxda dowladda Puntland.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa shalay kasoo baxay Dhuusamareeb, xarunta maamul goboleedka Galmudug.

Illaa iyo haatan lama ogga ujeedka socdaalkiisa caasimadda Garowe, inkastoo ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

Warbixinadda qaarkood ayaa tilmaamaya in wadaadka uu damacsan yahay in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Garowe.

Wali lama xaqiijin halka uu kusii jeedo safarkiisa, oo la tilmaamay in uu yahay mid maalmihii dambe aad loo qorsheynayey.

Kadib Dagaal qaraar, Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in ay ka tanaasuleen siyaasadda Galmudug isla markaana hubka wareejiyeen.

Villa Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ayaa isku qabtay doorashadii madaxtinimadda Galmudug, taasoo sababtay in maamulka dhexda ka galo is-qabqabsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM