Macalin Maxamuud oo ka degay caasimadda Puntland ee Garowe

Image

GAROWE, Puntland – Hogaamiyihii Ahlu Sunna Waljameeca ayaa maanta oo Isniin ah ka degay Garowe, magaala madaxda dowladda Puntland.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa shalay kasoo baxay Dhuusamareeb, xarunta maamul goboleedka Galmudug.

Illaa iyo haatan lama ogga ujeedka socdaalkiisa caasimadda Garowe, inkastoo ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

Warbixinadda qaarkood ayaa tilmaamaya in wadaadka uu damacsan yahay in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Garowe.

Wali lama xaqiijin halka uu kusii jeedo safarkiisa, oo la tilmaamay in uu yahay mid maalmihii dambe aad loo qorsheynayey.

Kadib Dagaal qaraar, Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in ay ka tanaasuleen siyaasadda Galmudug isla markaana hubka wareejiyeen.

Villa Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ayaa isku qabtay doorashadii madaxtinimadda Galmudug, taasoo sababtay in maamulka dhexda ka galo is-qabqabsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM