Madaxda Soomaaliya oo shacabka u rajeeyay inay ku ciidan nabad iyo amaan

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ummadda Islaam ka ah, shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland munaasibadda ciidul fidriga awgeed.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac yuusuf Jaamac Deberaani oo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ummadda Islaamka ah, shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland ugu hambalyeeyey munaasibadda ciidul Fidriga.

“Ciid wanaagsan, waxaan fariinta hambalyada ciidda idiinka sidaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan dalka Shiinaha iyo Kusimaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash”.

“Madaxdu waxay shacabkooda ugu hambalyaynayaan munaasabadda ciidda, waxay u rajaynayaan inay ku ciidaan bash-bash iyo barwaaqo, waxay Alle u waydiinayaan in uu ka aqbalo acmaashii wanaagsanayd ay sameeyeen bisha barakaysan ee Ramadaan”. Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland.

Dhanka kale, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hambaylo diray ayaa dalbaday in la adkeeyo midnimada dalka, lagana wadashaqeeyo amaanka waddanka.

Geesta kale, madaxweynayaasha maamuladda Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Somaliland ayaa dhankooda u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed in ay ku ciiddaan nabad iyo amaan.

Howlgalka AMISOM iyo qaar kamida wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale hambalyo ku aadan maalintan farxadeed u soo diray shacbiga Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM