Madaxdii ka qaybgashay caleema saarkii Deni oo 4 qodob diirada saaray [Warbixin]

Image

GAROWE, Puntland - Saciid Cabdullaahi Deni ayaa loo caleema saarey Madaxwaynaha dowlada Puntland shanta sano ee soo aadan kadib xaflad si wayn loosoo qaban-qaabiyay oo habeenkii xalay ahaa ka qabsoontay magaalada Garowe.

Madaxwaynaha dalka, Maxamed Farmaajo, Afhayeenka Aqalka Sare, hogaamiyaasha maamulada, madaxdii hore, wakiilo ka socda beesha caalamka, dalalka deriska iyo marti sharaf kale ayaa kasoo muuqatay xaflada.

Khudbadii ugu horeysay munaasabada oo ahayd midii ugu saameynta badneyd waxaa qaatay Islaan Ciise Islaan Maxamed, kaasoo ugu baaqay mas'uuliyiinta inay si hufan ugutaan waajibaadkooda, meelna isaga dhigaan danahooda.

- Dhameystirka dastuurka -

Dastuurka haatan waa mid qabyo ah. Si loogu gudbo mustaqbalka dhow dowladnimda Soomaaliya oo xoogan waxay soo jeediyeen madaxdu muhiimada ay leedahay in la qabyo tiro.

Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa soo jeediyay in sanadkaan diirada la saaro in la dhameystiro dastuurka, lana shaqeeyo Guddiyada ku howlan.

- Ku dhaqanka shuruucda dalka -

Soomaaliya, dal kasoo kabanaya colaad iyo dagaalo sokeeya, balse, dadkiisu ay yihiin kuwa jecel nabada iyo horumarka, balse, dhaqan-gelinta shuruucda udegan ayaa ah wax adag, sababta oo ah nidaamka Qabiilka oo ku baahay.

Dhamaan martidii xaflada caleema saarka waxay adkeeyeen muhiimada ay leedahay in la xoojiyay ku dhaqanka shuruucda, taasoo ay xuseen inay bud-dhig unoqon karto in loo gudbo jawi xasilooni siyaasadeed iyo mid amni.

- Ilaalinta nidaamka Federaalka -

Soomaaliya ayaa qaadatay nidaamka Federaalka, waxaana loo arkay xalka kaliya ee lagu soo celin karo kala dambeynta, inkasta oo ay jiraan dad dhaliilsan, hadana martida ayaa rumeysan inaanu jiri meel haatan looga laabto.

Madaxwaynihii 8aad ee dalka, Xasan Sheekh Maxmuud oo kamid ah mushtamaca taageersan in Federaalka ku haboon yahay Soomaaliya, ayaa soo jeediyay in cid kasta ay mas'uuliyad ka saaran tahay sidii loosii xoojin lahaa.

- Is-cafis -

Sida iska cad, madasha waxaa joogtay, siyaasiyiin xilal haya iyo kuwa aanan xil haynin, balse, aanan isu calool fayoobeen. Laakiin mid kasta oo dhamaantooda kamid ah markii uu hadlay wuxuu muujiyay inuu diyaar u tahay wadahadal.

"Aniga ayaa dhex u ah madaxwayneyaasha maamulada, waxaana diyaar u ahay inaan dhex-galo, aniga waan idin cafiyay, aan is-cafino," ayuu yiri Madaxwayne Farmaajo oo uu khilaaf kala dhexeeyo madaxda maamulada qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM