Madaxtooyadda Puntland oo si KMG ah u hakisay in lala kulmo Deni

Image

GAROWE, Puntland - War kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland maanta oo Talaado ah, ayaa lagu shaaciyay in si KMG ah loo hakiyay ballamada iyo qaabilaadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, Cabdinaasir Biixi Soofe ayaa lagu sheegay in duruufo jira awgood loo joojiyay qaabiladda uu mudane Deni qaabili jiray dadweynaha iyo xubnaha Gollayaasha dowladda, illaa amar dambe.

Taliyeyaasha iyo Agaasimayaasha Madaxtooyadda ayaa lagu wargeliyay go'aankan, iyadoo aan lagu sheegin qoraalka duruufaha keenay hakinta kulamadii lala yeelan jiray Madaxweynaha.

Tani ayaa kusoo aadaysa xilli Madaxweyne Deni uu ku mashquulsan yahay soo xulista Gollahiisa wasiiradda, oo lagu wada inuu ku dhawaaqo kahor 14-ka bishan.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM