Madaxweynaha cusub ee Puntland oo qaabiley Wafdi ka socda dowladda Somalia [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha cusub ee Puntland mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarunta ka degan yahay Garowe ku qaabiley maanta wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Somalia.

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arriamah Dibadda, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda, C/llaahi Bidhaan, Wasiiru-dowlaha wasaarada Maaliyadda, Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Xildhibaano, ayaa qayb ka ahaa wafdiga gaarey la kulmay Deni.

Ujeedka safarka mas'uuliyiinta ayaa ahaa inay goobjoog ka ahaadaan doorashada Madaxwaynaha iyo ku xigeenka DPL oo maanta qabsoontay, balse aan u suurtagelin kadib markii ay kasoo dib dhaceen.

Wafdigan ayaa maalintii shalay loo diiday inay Garowe kasoo degaan, kadib markii Wasaaradda amniga Xukuumaddii Cabdiwali Gaas ay 31-kii December soo sartey warqad uga mamnuucday Wasiiradda DF iyo Saraakiisha Villa Somalia inay Puntland soo galaan mudada ay doorashadu socoto.

Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku guuleystay xilka Madaxwaynaha Puntland, kadib tartan doorasho uu adkaa, balse u dhacay si dimuqraadi ah, oo kaga adkadey 20 musharax oo kale oo uu ku jiray Cabdiweli Gaas.

Sidoo kale, Xildhibaanada Gollaha Wakiiladda ayaa u doortay Axmed Cilmi Cismaan [Karaash], oo horey usoo noqday Wasiirka duulista hawada, Madaxwayne ku xigeenka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM