Madaxweynaha cusub ee Puntland oo qaabiley Wafdi ka socda dowladda Somalia [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha cusub ee Puntland mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarunta ka degan yahay Garowe ku qaabiley maanta wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Somalia.

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arriamah Dibadda, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda, C/llaahi Bidhaan, Wasiiru-dowlaha wasaarada Maaliyadda, Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Xildhibaano, ayaa qayb ka ahaa wafdiga gaarey la kulmay Deni.

Ujeedka safarka mas'uuliyiinta ayaa ahaa inay goobjoog ka ahaadaan doorashada Madaxwaynaha iyo ku xigeenka DPL oo maanta qabsoontay, balse aan u suurtagelin kadib markii ay kasoo dib dhaceen.

Wafdigan ayaa maalintii shalay loo diiday inay Garowe kasoo degaan, kadib markii Wasaaradda amniga Xukuumaddii Cabdiwali Gaas ay 31-kii December soo sartey warqad uga mamnuucday Wasiiradda DF iyo Saraakiisha Villa Somalia inay Puntland soo galaan mudada ay doorashadu socoto.

Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku guuleystay xilka Madaxwaynaha Puntland, kadib tartan doorasho uu adkaa, balse u dhacay si dimuqraadi ah, oo kaga adkadey 20 musharax oo kale oo uu ku jiray Cabdiweli Gaas.

Sidoo kale, Xildhibaanada Gollaha Wakiiladda ayaa u doortay Axmed Cilmi Cismaan [Karaash], oo horey usoo noqday Wasiirka duulista hawada, Madaxwayne ku xigeenka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM