Madaxweynaha cusub ee Puntland oo soo saarey amarkii ugu horeeyay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha cusub ee Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni, oo soo saarey amarkii ugu horeeyay kaasoo uu ku joojiyay in lacago lagala baxo Akoonada ay dowladda ku leedahaya Bangiga Puntland iyo Xawaaladaha gaarka.

"Sidaasi owgeeda, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay, 8-da Janaayo 2019, waxaa la idinku adkeynayaa inaad fulisaa amarkaasi," ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxay xafiiska Madaxwayne Saciid Deni.

Amarkan ayaa soo baxay saacad kadib markii Deni uu kuu guuleystay doorashadda xilka Madaxweynaha oo maanta ka dhacay xarunta Gollaha Wakiiladda Puntland.

Deni oo ah dhaqaalyahan, si dhaw ula socda duruufaha Puntland ayaa tallaaban ku doonaya inuu uga hortago boob hantida dadweynaha, maadaama uu isbedel dhacay, oo wali talada wareejin maamulkii Cabdiweli Gaas.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA DENI:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM