Madaxweynaha dowladda Puntland oo dib ugu noqdey Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo soo gabagabeeyay socdaalkiisa maamulka Jubaland ayaa Khamiista maanta ah wuxuu dib ugu noqdey Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Deni oo kamid ahaa marti sharaftii ka qeybgashay caleema saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa mudadii uu Kismaayo ku sugnaa la kulmay dhinacyo kala duwan oo ku booriyey doorkooda hormarka.

Munaasabadda oo 12-kii October ka qabsoontay magaala madaxda gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa si lamid kasoo muuqdey siyaasiyiin caan ah, wafdi ka socday Kenya iyo mas’uuliyiin uu ku jiro Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Senator Faroole, mid kamid ah aas-aaseyaashii Puntland haatana kamid ah Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa dhankiisa iyo wafdi uu horkacyo waxa ay ka dageen Garowe, caasimadda dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay howlo shaqo u jooga Boosaaso, halkaas oo lagu waddo in ay bisha koowaad ee sanadka 2020-ka ay ka qabsoonto Carwo lagu soo bandhigi doono wax-qabadka shirkadaha wadaniga ah.

Madashaas ayaa daba socota Shirka Maalgashiga Puntland ee caasimadda Garowe ka qabsoomay bishii hore, kaas oo max-suulka kasoo baxay uu noqday malaayiin Doollar oo ay shirkado kala duwan maalgelin ku sameyn doonan.

Barnaamijyadda kale ee ka socda magaaladda dekadda leh ayaa waxaa qayb ka ah dardargelinta qorsheyaasha xukuumadda Deni oo ay ugu horeyso amniga, tayeynta ciidamadda iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM