Madaxweynaha Puntland oo cambaareeyay weerarka Kenya

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si kulul wuxuu uga hadlay weerarkii lagu qaaday Hoteel-ka Dusit 2 ee ku taala magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya, shalay oo Talaado ahayd.

Ugu horeyn, wuxuu Madaxwaynuhu kaga tacsiyeeyay ehelka, asxaabta iyo dowlada Kenya shacabka aan waxba galabsan ee lagu xasuuqay weerarka, kaasi oo ku bilowday qaraxyo ay xigtay rasaas toos ah.

Deni oo muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdaan oo galaafatay inta la xaqiijiyay 14 ruux oo shacab ubadan oo ay labo Soomaali ah ay ku jiraan ayaa ku tilmaamay mid ka baxsan "Islaamnimada iyo Bani’aadanimada".

"Ducadeena iyo dareenkeena waxay tahay dhanka qoysaska kuwa la dilay iyo kuwa ku dhaawacmay musiibadaan," ayuu yiri Deni, kaasi oo hoosta ka xariiqay in Puntland door muhiim ka qaadaneyso ciribtirka Al-Shabaab.

Kenya oo qaadatay waayo aragnimo badan oo ku filan marka ay timaado weerarada Al-Shabaab ayaa la daalaadhaceysa sidii ay uxakameyn lahaa tan iyo markii ay ciidamadeena soo galeen gudaha Soomaaliya 2011-kii.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa ku andacooneysa in weerarada ay ka fulinayso gudaha Kenya ay jawaab uyihiin howlgalada ay ka wado Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood ay shacab wax ku noqdaan.

Weerarkii Dusit 2 ayaa imaanaya iyada oo laga joogo 3-sano markii degaanka Ceel Cadde ee Koonfurta Somalia ay Shabaab kaga dishay Kenya 100 askari, kaasi oo ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa taariikhda.

WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM