Madaxweynaha Puntland oo dhaliil culus u jeediyey Beesha Caalamka

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay Amniga Guud ee Puntland, Qorsheeyaasha dhinaca Amniga ee socda ayaa ka tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo maanta "arxan laawayaasha ah cadowga ummada Soomaaliyeed ku dileen Gaalkacyo".

Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii Gobolka Mudug, isagoo sheegay "in falkaasi argagixiso uusan niyad-jab iyo baaqsasho ku keenayn shaqada socota, howlgalada amni ee argagixisada lagusoo afjarayona ay sii socon doonaan inta laga sifeynayo dalka".

Madaxweynaha ayaa sheegay in cadaaladda la marinayo dadkii ka danbeeyay dilkii Guddoomiyihii Gobolka Nugaal, iyo sidoo kale dadka lagu helo baaritaanada socda ee dilka Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Wuxuu Madaxweynuhu Bulshada la wadaagay in dhammaan xubnaha argagixisada ah ee ka danbeeyay weerarada noocan oo kale ah in cadaaladda la horgeyn doono la xukumi doono, ciqaabtoodana lagu fulin doono fagaare Bulshada horteeda.

"Dowladda Puntland waxay dagaal kula jirta argagixisada ah cadowga Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed, Ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland waxay howlgalo amniga lagu sugayo ka wadaan magaalooyinka waa weyn, waxay fashiliyeen weeraro la maleegayey iyagoo qabqabtay unugyada argagixisada ee magaalooyinka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

Beesha Caalamka ayuu ku dhaliilay in aysan ka taageerin Puntland dhanka ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada. Koonfurta Soomaaliya oo amni darada ay kasii dareyso ayuu tibaaxay in ay malaayiin Doolar ku bixiyaan.

"Waxaa shaki naga galay in ay u muuqato waxaan wax idin tareynaa goorta la idin burburiyo oo ammaankiina la baabi'iyo oo noloshiina halowdo," ayuu raaciyey, isagoo xusay in Puntland isku tashaneyso.

Ugu danbeyn, madaxweynaha ayaa wuxuu ugu baaqay Shacabka Puntland inay doorkooda ka qaataan illaalinta amniga iyo horumarka Puntland, wuxuu si gaar ah Madaxweynuhu fariin ugu diray dhallinyarada reer Puntland inay dowladda kala shaqeeyaan amniga, isagoo carabka ku adkeeyay in ay sarre u qaadayaan tababarkooda.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM