Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida siyaasi Jini Boqor

Image

QARDHO, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta lah ee ku timid siyaasi Cabdi Cabdulle Siciid oo loo garan ogan yahay Jini Boqor.

Marxuumka wuxuu saaka ku geeriyooday magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Isla degmadaas ayaa qorshuhu yahay in lagu aaso. Fahfaahinta sababta uu u geeriyooday lama shaacin.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed lasoo dhigay boogga Puntland State House ee Facebook, Deni ayaa naxariista EBBE u rajeeyay Jini Boqor isla markaana uu ka waraabiyo Janatul Firdowza.

Hoos ka akhriso qoraalka Madaxtooyadda

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Cabdi Cabdulle Siciid (Jini Boqor), oo saaka ku geeriyooday Qardho.

Alle ha u naxariistee Cabdi Cabdulle Jini Boqor wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, wuxuu waxbadan kasoo shaqeeyay horumarka iyo dowladdnimada isagoo xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliyaba.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland,eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay marxuum Cabdi Cabdulle Siciid (Jini Boqor), waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.


Alle ha u raxmadee, Jini Fiqi oo kamid ahaa aas-aasayaashii Puntland iyo mas'uul xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya wuxuu mar isku soo sharaxay xilka ugu sareeya waddanka ee madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM