Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Cabdi Tahliil Warsame

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fanaankii caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame ayaa wuxuu ku geeriyooday hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeysay uu ku xanuunsanayey.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku biiray madaxda ka tacsiyeyneysa geerida marxuumka oo maanta oo Jimce ah lagu aasay mid kamid ah qubuuraha caasimada dalka.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda dowladda Puntland, Deni ayaa murugadda la wadaagaya qoyska, asxaabta iyo umadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay hobolka.

Hoos ka akhriso bayaanka

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Fanaan Cabdi Tahliil Warsame oo xalay ku geeriyoodey Muqdisho.

Cabdi Tahliil Warsame waxa uu dhashay sanadkii 1952-dii, wuxuu ahaa fanaan wadaniya oo noloshiisa inta badan kaga qayb qaatay kobcinta fanka Soomaaliyeed, Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa tiir weyn oo ka baxay suugaanta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Deni waxaa uu mar kale uga tacsiyaynayaa shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey Marxuum Cabdi Tahliil Warsame, wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.


Marxuumka ayaa ifka kaga tegay xaasas iyo caruur, kuwaas oo mudadii uu xanuunsanaa kula tacaalayey hoygiisa oo ku dhow Tiyaatarka Qaranka oo uu ka heesi jiray beri-samaadkii, iyaddoo haatan dayactir lagu sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM