Madaxweynaha Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyay Jabuuti

Image
Image
Image
Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti kusoo dhoweeyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka dabiiciga ah Yoonis Ali Geedi, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Ambassador Aadan Xasan Aadan iyo Wakiilka Puntland ee Jabuuti Siciid Mahdi.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama'diid iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dowladda Jabuuti iyo Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa leh xiriir wadashaqeyn oo ku salaysan dhinacyada Amniga, Horumarka iyo Ganacsiga.

MUUQAALKA SOO DHAWEYNTA

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM