Madaxweyne Deni oo kala diray Golahii Degaanka Buurtinle

Image

GAROWE, Puntland - Sidda ku cad wareegto kasoo baxday Madaxtooyadda, madaxweyne Deni ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu kala diray Golaha Degaanka degmadda Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Digreetadda oo ku taariikheysan 19-ka June 2019 ayaa lagu shaaciyey in madaxweynaha dowladda Puntland uu talaabadan uu qaadey kadib talo soo jeedin uga timid Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Kala dirida Golaha Degaanka Buurtinle ayaa imaaneysa maalin kadib markii xubnaha Golahaasi ay shaaciyeen in ay shaqadii ka tageen, wallow aysan shaacin sababta dhabta ah.

Talaabada xigta ee la filayo ayaa ah in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ay soo dhisto Gole degaan cusub kaasi oo bulshada qeybaheeda kala duwan ay iska dhex aragto.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-28 ee Juun, 19, 2019, ku kala dirid Golaha Deegaanka ee Degmada Buurtinle.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Is casilaaddii Golaha Deegaanka Degmada Burtinle.

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle.

2. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM