Madaxweyne Deni oo lagu soo dhoweeyey degmada Dangoroyo

Image
Image
Image
Image
Image

DANGORONYO, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa galabta lagu soo dhoweeyay degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal.

Banaanka hore ee degmada waxaa kusoo dhoweeyay masuuliyiinta Dowladda, Maamulka Degmada, Hogaanka Dhaqanka iyo boqolaal ka mid ah Bulshada kala duwan ee degmada Dangoroyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo meel fagaare kula hadlay dadweynaha kasoo qeybgalay qaabiladaadiisa, ayaa wuxuu uga mahadeliyey soo dhoweynta,

Deni ayaa sheegay in waxyaabihii ay dadka deegaanka hore uga codsadeen oo ay ka mid aheyd dhismaha Wadada Dangoroyo iyo Eyl, kuna ku faraxsanyahay in dhowaan shaqadeedu bilowmayso.

Wafdi uu hogaaminayo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo arrimahaasi u yimid ayaa asbuucan booqday Eyl, iyaga oo indha indheeyay qaabka ugu macquulsan ee loo dayac-tiri doono.

Ugu danbeyntii, Deni ayaa wuxuu ku dhiirigeliyey dadka degmada Dangoroyo ka shaqeynta horumarka, Midnimada iyo Nabadgelyada guud ee goboladda Puntland.

Socdaalkan ayaa ah mid uu gobolada kala duwan ee Puntland uu ku marayo madaxweynaha, kaasoo ujeedkiisa lagu sheegay gaarsiinta bulshada qorsheyaasha xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM