Madaxweyne Deni oo magacaabay lataliye iyo taliye ku xigeen labaad

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu Ismaaciil Saleebaan Geelle u magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda.


WAREEGTADA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-60, Ogoosto 19, 2019 ku magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Ismaaciil Saleebaan Geelle loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda.

Xeerarkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.


Dhinaca kale, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa S/Guuto Caydiid Axmed Nuur Siciid wuxuu u magacaabay taliye xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland.

WAREEGTADA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-62, Ogoosto 19, 2019 ku magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa S/Guuto Caydiid Axmed Nuur Siciid loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeerarkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Kahor magacaabida, Caydiid ayaa waxaa oo dalacsiiyay darajadda Sareeye Guuto, sidda ku xusan wareegto kasoo baxday xafiiska hogaamiyaha maamulkan 21-sano jirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM