Madaxweyne Deni oo magacaabay Maareeye garoon diyaaradeed

Image

BOOSAASO, Puntland - Maaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Axmed Siciid Yuusuf wuxuu u magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, sidda lagu sheegtay digreeto.

Hoos ka akhriso wareetada

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Ee Boosaaso.

Boosaaso: 18 January 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.13 January 16, 2020, ku magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Axmed Siciid Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM