Deni oo si diiran loogu soo dhaweeyay caasimada Kenya ee Nairobi

Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Dawladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu gaaray caasimadda waddanka kenya ee Nairobi.

Wafdiga Deni ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka kahor inta aan loo galbin goobta uu ka degayo magaalo madaxda dalka dhaca Geeska qaarada Afrika.

Kulamo kala duwan oo looga hadlay arrimaha siyaasada iyo geedi u socodka dowladnimada Soomaaliya ayuu la qaadan doonaan xubno kala duwan oo caalmka ah.

Talafishinka dowlada Puntland ayaa baahiyey in Deni, kulankii ugu horeeyay, uu isla maanta la yeeshay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanada Soomaaliya iyo Kenya.

Deni, oo ay wehliyaan mudaneyaal kamid ah Golaha Wakiilada Puntland, ayaa ka dhoofay Boosaaso, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay uu u joogay howlo shaqo.

Intii uu ku sugnaa xarunta gobolka Bari, Deni ayaa sidoo kale qaabilay Axmed Maxamed Islaam, dhigiisa Jubaland, oo ay yeesheen shir laba casho qaatay.

Shirka Iskaashiga Puntland iyo Jubaland ayaa laga soo saarey qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin in dowlada federaalka aysan diyaarin karin doorasho qof iyo cod ah.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM