Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Wafdiga Madaxweynaha Somalia, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu soo dhaweeyay magaaladda Garowe, ee caasimadda Puntland maanta oo Sabti ah.

Madaxweynaha cusub ee Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni, mas'uuliyiin iyo dadweyne ayaa kusoo dhaweeyay Farmaajo Garoonka diyaaradaha magaaladda Garowe.

Isagoo garabkiisa fadhiyo Madaxweyne Deni, Farmaajo oo qeybta VIP-da ee Garoonka ku siiyay Warbaahinta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida loo soo dhaweeyay, isagoo u mahadceliyay shacabka iyo dowladda Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Puntland ay tahay hooyadda Federaalka Somalia, isagoo bogaadiyay doorashii Madaxweyne Saciid Deni ee 8-dii bishaan, taasoo u dhacday si xor iyo xalaal ah.

Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa inay caawa ka dhacdo magaaladda Garowe, iyadoo ay ka qeybgalayaan madax kala duwan, oo ay kamid yihiin Madaxweyneyaashii hore, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM