Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Wafdiga Madaxweynaha Somalia, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu soo dhaweeyay magaaladda Garowe, ee caasimadda Puntland maanta oo Sabti ah.

Madaxweynaha cusub ee Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni, mas'uuliyiin iyo dadweyne ayaa kusoo dhaweeyay Farmaajo Garoonka diyaaradaha magaaladda Garowe.

Isagoo garabkiisa fadhiyo Madaxweyne Deni, Farmaajo oo qeybta VIP-da ee Garoonka ku siiyay Warbaahinta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida loo soo dhaweeyay, isagoo u mahadceliyay shacabka iyo dowladda Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Puntland ay tahay hooyadda Federaalka Somalia, isagoo bogaadiyay doorashii Madaxweyne Saciid Deni ee 8-dii bishaan, taasoo u dhacday si xor iyo xalaal ah.

Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa inay caawa ka dhacdo magaaladda Garowe, iyadoo ay ka qeybgalayaan madax kala duwan, oo ay kamid yihiin Madaxweyneyaashii hore, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM