​Madaxweyne Gaas oo la shiray golaha deegaanka degmada Galkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha Puntland ayaa maanta magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug kulan kula qaatay xubnaha cusub golaha deegaanka degmadaasi waxayna kawada hadleen arrimo ku aadan hormarinta xarunta gobolkaasi.

Shirka labada dhinac oo ka qabsoomay xarunta madaxweyne Gaas ka daganyahay magaalada Galkacyo ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa amniga islamarkaana loogu istaagi lahaa isbadal ku yimaada degmada Galkacyo.

Madaxweyne Gaas ayaa golaha cusub ku tilmaamay kuwii ka saari lahaa marxaladda adag ee hadda ku jirto, wuxuuna u rajeeyay shaqo fiican isagoo kula dardaarmay inay ka fogaadaan waxyaabaha dib u dhaca ku keeni kara shaqadooda.

Shirka madaxweyne Gaas ee golaha deegaanka degmada Galkacyo ayaa yimi iyadoo maalinta Sabtida ee Foodda nagu soo haysa loo ballansanyahay inay qabsoonto doorashada Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa, waxaana hadda magaalada kasocda loollan loogu jiro jagooyinkaasi.

Qaar kamid ah murashaxiinta xilkan isu taagay ayaa maanta shir la qaatay golaha cusub waxayna kala hadleen doorashooda iyo inuu mid walba yahay kii degmada wax u qaban lahaa.

Horay waxaa u fashilmay Guddomiyihii la doortay waxaana kasii horeeyay oo is-casilay ku-xigeenkiisii kasoo sheegay inuu fulin waayay waxyaabihii uu bulshada u ballan qaaday.

Madaxweyne Gaas ayaa lagu eedeyey ku mashquul sanananta dhismaha golahaaan xilli gobolada Sool, Sanaag degaanada ay arimiso Puntland maamulka Somaliland Ka bilaabey diwaangalinta doorashada iyo kulano uu la qaadanayo beelaha degaanadaas. Halkan ka akhriso 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM