Somaliland oo kulan u qabatey beelaha daga gobolada Sool iyo Sanaag

Image

AWRBOOGEYS- Waxaa maalinimadii 19 July, 2016 kulan uga furmey degaanka Awr-boogeys ee gobolka Sool kulan maamulka Somaliland ugu qabtey beelaha gobolada Sool iyo Sanaag daga kaasoo qaban qaabadiisa lahaayeen xubnaha maamulkaas kaga jira goboladaan.

Ergooyin gaaraya 200 kuwasoo ka kala socdey beelaha Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskii Qabe ayaa kulankaas kasoo qayb galey halka maamulka Somaliland ka joogeen xubno ay kamid yihiin Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka dib u dajinta.

Dhinaca kale xubnaha ka tirsan maamulka Somaliland ee ka soo jeeda goboladaan oo ka qayb galey kulankaan ayaa waxaa kamid ahaayeen Wasiirka biyaha Baashe Cali Jaamac, Xildhibaan Saleebaan Yusuf Cali Koore, Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamad Xasan Idha-Indho iyo Wasiir hore oo ka tirsanaan jirey Federaalka Baashe Xasan Maxamud.

Kulankaan ayaa sida warsidaha Garowe Online ku helayo wararka waxaa kasoo qayb galey 20 Caaqil oo ka tirsan beesha Maxmaud Barri kuwasoo degaan ahaan iyo siyaasad ahaan ka tirsan maamulka Puntland ayaa ujeedkiisu ahaa sidii gobolka Sool, Sanaag iyo qaybo ka tirsan gobolka Nugaal maamulka Somaliland uga hirgalin lahaa diwaangalinta doorashooyinka iyada oo marka hore xal laga gaarayo in beelahaas siyaasad ahaan aqbalaan kamid ahaanshaha maamulkaas.

Degaanka Awr-boogeys oo dhinaca Galbeed magaalada Qardho ee gobolka Karkaar u jirta qiyaas 150 KM ayaa xukuumada Madaxweyne Gaas weli ka hadlin kulankaan lagu qabtey iyadoo xubnaha kaga jira goboladaan maamulka Puntland [Xukuumad iyo Barlaman] aan laga maqlin dhinacooda wax jawaab celin ah.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in ergooyinka kulankaan ka qayb galey xubno ka tirsan ka tageen magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Kulamada maamulka Somaliland iyo beelahaan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamo Iyo wufuud ay hogaaminayaan wasiiro ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo booqasho ku tageen magaalooyinka Baran iyo Dhahar kuwasoo wadey ololaha diwaan galinta doorashooyinka maamulkaas qabanayo sanadka 2017.

Somaliland ayaa qoraal kasoo saartey heshiis laga gaarey kulankaan kaasoo ka kooban 5 qodob iyadoo ay kala saxiixdeen xubnaha golaha Wasiirada ka joogey madashaas halka dhinacooda caqaasha qabiil saxiixeen.

Qodobada Isfahamka ah ee Kasoo Baxay Shirkii Wada Hadalka: Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskii Qabe iyo Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland

1- Saami-qaybsiga  

Wax ka qabashada  tabashada ay beelahani ka muujiyeen saami qaybsiga Goleyaasha qaranka, Xukuumada (Heer Qaran, Gobol iyo Degmo) , Komishanka  iyo shaqaalaha dawlada  Si xal waara looga gaadho arintan waxaa la isla gartay in guddi matalaya beelahan Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskiiqabe ay kulan la yeeshaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo cidda uu u igmaday kadib marka lasoo afmeero diiwaangalinta gobolka Sool 

2- In la adkeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada iyo qaranimada Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ay yeeshaan iskaashi buuxa  

3- Horumarka  

Xukuumada JSL iyo beelaha Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskiiqabe waxay isla fahmeen dib u dhaca ku yimi deegaanada gobolada Sool, Sanaag iyo Xaysimo Si deegaanadaasi u soo gaadhaan horumarka baaxada badan ee ka socda Jamhuuriyada Somaliland inteeda kale  waxaa la isla qaatay:    

B. In mashaariic horumarineed oo qorshaysan laga hirgaliyo deegaanada Gobolada Sool, Sanaag iyo Xaysiimo kuwaas oo isugu jira kuwo dhaw iyo kuwo fog “Short term and long term Projects”  

T. In degmooyinka Konfurta Sanaag, Sool iyo Xaysimo loo sameeyo kabka dawladaha hoose ka helaan dawlada dhexe  

J. In maamulka dawlada lagu fidiyo dhamaan degamadaas oo dhan isla markaana la tayeeyo hay’adaha dawliga ah  

X. In Xukuumadu dhiirigaliso ganacsatada iyo qurbojoogta deegaanadan kasoo jeeda ee u heelan in ay Mashaariic horumarineed ama maalgashi ka abuuraan deegamadooda iyo guud ahaanba dalka   

Kh. In xukuumada Jamhuuriyada Somaliland iyadoo kaashanaysa  Madaxda dhaqanka ay abaabusho  shir caalami ah oo ay goobjoog ka yihiin Hay’adaha Caalmiga ah,  hay’adaha samafalka, ururada iyo wakiilada dalalka Somliland ka caawiya Horumarka Kaasoo looga gol leeyahay dib u dhiska iyo horumarinta deegaamada Sool, Sanaag iyo Xaysimo  

D. In la dhiirigaliyo isdhex galka iyo isku xidhnaanta bulshada ku dhaqan deegaamada gobolada Sool, Sanaag, Xaysimo iyo deegaanada kale ee  Somaliland ee dhinacyada; waxbarashada, ganacsiga, dhaqanka , dhalinyarada iyo ciyaaraha si loo abuuro dareen walaaltinimo iyo iyo isjacayl bulsho  

4- Nabagelyada  

In la adkeeyo amniga iyo nabadgelyada deegaanada gobolada Sool, Sanaag iyo Xaysimo Si loo meel mariyo higsiga iyo himiladan aasaaska u ah  nolosha bulshadana waxaa la isla fahmay:   

B- In la abuuro lana tayyeeyo hay’adaha sida gaarka ah ugu xil saaran nabadgalyada iyo garsoorka  

J- In dib u habayn, tayyeyn iyo midayn lagu sameeyo ciidan beeleedyada gaarka u kala fadhiya ee deeganadan hoos yimaada  

X. In qiimayn sax ah  lagu sameeyo ciidamadaa  si ay u helaan darajada iyo dalacadaaha ay mudan yihiin  

Kh. In xoog la saaro la dagaalanka iyo  ka hor-tegga xaalufinta ba’an ee lagu hayo goynta dhirta , ugaadhsiga  duurjoogta iyo dhuxulaysiga.  

D. In gaadiidka kala duwan ee ay wataan dadweynaha deegaankan ku dhaqani ay Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland u samayso Sumada Gaadiidka Somaliland “SL Plate Number” dhamaan gaadiidka  dadweynaha ee aan haysan isla markaana lagu isticmaalo deeganada koonfurta Sanaag, Sool iyo Xaysimo si loo sugo amniga isla markaana loo sahlo isu-socdka bulshada .

F.G : arintan waxay ku kooban tahay oo keliya  gaadiidka hadda la isticmaalo ee ku sugan deegaanadaa. 

R. In xukuumadu xoog saarto iyadoo kaashanaysaa Madax dhaqameedyada kala duwan ee Goboladda Sanaag, Sool iyo Xaysimo sidii loo xalin lahaa dhacdooyinka iyo turxaamaha beelaha deegaanada dhexyaala , dhinaca kalena looga hortagi lahaa aargoosiyada iyo falalka dilka ah ee soo noq-noqda.  

5- Diiwaangalinta  

Waxaa la isla fahmay in si balaadhan looga hirgaliyo  diiwaan galinta deegaamada koonfurta Sanaag, Sool iyo Xaysimo  si taasi u hirgashana  waxaa la isla qaatay :

 B- In wacyigalin luxdan laga sameeyo deegaanada isla markaana loo maro tab iyo Xeelad  ka mug wayn sidii loo wacyigaliyey goboladii hore ee dalka ay ka qabsoontay diiwaangalintu 

T- In Xukuumada JSL iyadoo oo kaashanaysa Komishanka Doorashooyinka qaranka  dib u eegis ku sameeyaan tirada iyo goobaha dadka laga diiwaan galinayo  

J- In dib u eegis lagu sameeyo dheelitirka gudiyada doorashooyinka ee heer qaran. Heer gobol iyo Heer Degmo.

Allaa Mahad Leh. WA BILAAHI TAWFIIQ.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM