Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya
HARGEISA, Somaliland – Maamulka Somaliland ayaa beenisay hadalka Wasiir Balcad oo ku saabsan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maamulka Hargeysa kula jirto wadahadallo, iyagoo Muqdisho ku eedeeyay “faragelin toos ah” oo ay ku hayso arrimaha gudaha Somaliland.
War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in la rabo “in la caddeeyo inaysan jirin wax wadahadallo socda oo lala leeyahay Soomaaliya,” isla markaana wadahadalladii si rasmi ah loo joojiyay bilowgii sanadkan.
“Dowladdu si rasmi ah ayay u joojisay wadahadallada ka dib markii Soomaaliya si toos ah ugu faragelisay arrimaha gudaha Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Wasaaradda ayaa xustay in geeddi-socodkii wadahadalka ee 13 sano uu “si rasmi ah u dhammaaday,” iyadoo digniin u dirtay cid kasta oo isku dayda inay “wax been abuur ah u sheegto ama warar marin habaabin ah u gudbiso warbaahinta caalamiga ah si ay u hesho aqoonsi shakhsi ah.”
Sidoo kale, war-saxaafadeedku wuxuu ku celiyay in Somaliland “waligeed qayb ka ahayn nidaamka federaalka ee la aasaasay Soomaaliya ka dib 2012,” isagoo xusay in gobolka uu dib u soo celiyay madax-bannaanidiisa 1991, tan iyo markaasna uu leeyahay hay’ado u gaar ah oo maamul.
Hadalkan ayaa yimid saacado kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, uu wareysi ku sheegay in Muqdisho ay si joogto ah ula xiriirto Somaliland, isla markaana ay ka shaqeyneyso sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa arrimaha taagan.
GAROWE ONLINE