Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Image

HARGEYSA - Somaliland ayaa shaacisay in dadka wata fiisaha elektarooniga ah ee ay soo saartay Somalia aysan loo oggolaan doonin inay soo galaan Somaliland, maadaama Maamulka Hargeysa ku tilmaamay fiisahaas “mid aan sharci ahayn”. 

Intii uu booqasho ku joogyay xarunta maamulka hawada iyo duulista ee Somaliland, madaxweyne Cirro ayaa sheegay in hawada, badda iyo dhulka Somaliland ay hoos yimaadaan maamulkiisa, isla markaana cid wadata E-VISA aysan ka degi karin Hargeysa. 

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale sheegay in laga bilaabo 10 Nofeembar dhammaan diyaaradaha doonaya inay hawada ama garoomada Somaliland maraan ama kasoo dagaan ay waajib ku noqon doonto inay helaan ogolaansho hawada ka dul marista (over-flight permit) oo ka soo baxday wasaaradda duulista ee Somaliland. 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya, oo Somaliland doonayso inay qeybteeda si gaar ah u maamusho halka dowladda Federaalka ay Muqdisho ka maamusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM