Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Image

Hargeysa — Sheekh Mustafe Xaji Ismaaciil Haruun, ayaa sheegay in Somaliland aysan wax faa’iido ah ka heli doonin xiriirka ay la yeelatay Israel, isagoo tilmaamay in Maamulka Yahuudda uu dhibaato kawado dunida maanta, isla markaana go'aanka ictiraafka uu saameyn ku yeelan doonto nolosha adduunka iyo aakhiro labadaba.

Sheekh Mustafe, oo ka hadlayey gudaha Masjid, ayaa sheegay in Israel ay dishay ama dhaawacday 200,000 Muslimiin ah, burburisay in ka badan kun masaajid, isla markaana gaajeysay laba milyan oo qof oo Falastiiniyiin ah. Waxa uu xusay in wax laga xumaado ay tahay in Somaliland raadineyso aqoonsi ka yimaada dal daadiyay dhiiga Muslimiinta.

Waxa uu intaa ku daray in tallaabada noocaas ah ay ka gelinayso Somaliland qeyb kamid ah mas'uuliyadda dhibka ay la kulmayaan Falastiiniyiinta, kuwaas oo uu sheegay in la duullaystay, laga qaxiyey dhulkooda, lana haysto, isla markaana si joogto ah loo dilo.

Si uu tusaale u bixiyo, Sheekh Mustafe ayaa isbarbar dhigay taariikhda dhawaan ee Somaliland. Waxa uu xusuusiyay dhibkii la sheegay in Maxamed Siyaad Barre 1988 u geystay shacabka Somaliland, taas oo qasbay dadka Hargeysa iyo Burco inay u qaxaan Itoobiya.

Waxa uu yiri haddii dadka kale ay degi lahaayeen magaalooyinkaas dad kale, oo hay’ad ama wadan kale ay aqoonsi siin lahaayeen, Somaliland dadkeeda waxay u arki lahaayeen aqoonsigaas mid khiyaano iyo caddaalad-darro ah. Waxa uu sheegay in aragtidan ay la mid tahay mida Falastiiniyiinta maanta u arkaan Somaliland.

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo horey Ciidamada u xireen shaqsiyaad culimada kamid ah oo ka hadlay aqoonsiga Israel ee Somaliland, oo ay cambaareeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM