Axmed Madoobe oo booqanaya Garowe, xilli uu hakad ku yimid wadahadalladii Muqdisho
GAROWE, Soomaaliya — Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa la filayaa inuu Maalmaha soo socda safar ku tago magaalada Garowe, halkaas oo uu wadahadal kula yeelan doono Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Safarka Axmed Madoobe ayaa imanaya kaddib markii dib loo dhigay shir uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku baaqay inuu 14-ka November ka furmo magaalada Muqdisho.
Labada hoggaamiye ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafaadka la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo dadaallada lagu raadinayo hannaan doorasho oo ay dhinacyada siyaasadda isku raacsan yihiin, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal u ah qorshaha safarka.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka, oo sharciyadda muddo-xileedkeeda ay mucaaradku muran geliyeen, iyo qaar ka mid ah maamullada dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo isku khilaafsan hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.
Puntland iyo Jubbaland ayaa ka mid ah maamullada sida weyn u dhaliilay habka ay dowladda federaalku u waddo arrimaha doorashooyinka, iyadoo khilaafkaasi uu caqabad ku yahay dadaallada lagu gaarayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Booqashada Axmed Madoobe ee Garowe ayaa sidoo kale fursad u noqon karta wadatashiyo dheeraad ah oo dhex mara labada hoggaamiye, kaddib dib-u-dhigista shirkii Muqdisho ee la doonayay inuu isu keeno dowladda federaalka iyo dhinacyada siyaasadda.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan xilliga cusub ee la qaban doono shirka dib loo dhigay.
GAROWE ONLINE