Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO – Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya suurtagalnimada in si ku-meel-gaar ah loo hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo dowladda Soomaaliya, kaddib go’aankii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee la xiriiray muddo-kororsiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wargeyska Africa Intelligence ayaa qoray in go’aanka maxkamaddu uu sare u qaaday suurtagalnimada in la hakiyo dhaqaalaha uu Bangiga Adduunku siiyo dowladda federaalka, xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo la xiriira muddo-xileedka hay’adaha dowladda.

Tallaabadan ayaa noqon karta mid la mid ah go'aankii hore ee taageerada dhaqaale loo hakiyay xilligii madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Baashe Yuusuf, inta aan xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare laga qaadin, wuxuu shaaciyay in Xasan Sheekh iyo hay'adaha kale ee dowladda uu waqtigoodu dhamaadey, isagoo ku baaqay in doorasho la qabto 90c cisho gudahooda. 

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in khilaafka ku saabsan muddo-kororsiga madaxweynaha uu saameyn ku yeelan karo xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah.

Deeqbixiyaasha Caalamka ayaa la sheegay inay diidan yihiin lacag inay siiyaan dowlad mudo-xileedkeedu dhamaadey, iyadoo laga baqayo in madaxda sii baxaysa ay lunsadaan, maadaama aysan jirin hay'addo ka ilaaliya musuq-maasuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo la wareegtay deegaanka Comaad ee gobolka Hiiraan

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli isbeddel lagu sameeyay dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda federaalka ee gobolka Hiiraan.

  • Soomaliya

    15-11-2026

  • 09:45AM

Villa Somalia oo dalacsiin ciidan ku raadineysa taageerada beesha Xawaadle xili kacdoon ka jiro Hiiraan

Ilo-wareedyadu ma aysan shaacin tirada guud ee dadka la dalacsiiyay, magacyadooda ama hay'adaha ay ka tirsan yihiin.

  • Soomaliya

    12-11-2026

  • 08:31PM