Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo u dhoofay Jabuuti

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah waxa uu u duulay Jabuuti, sidda uu xaqiijiyey afhayeenka madaxtooyadda.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ay wehliyaan mas'uuliyiin kala duwan ayaa wuxuu qeyb ka yahay martida lagu casuumay xuska maalinta xorriyada wadanka Jabuuti, 27-ka June.

Qaban-qaabada xafladaasi ayaa ka socota xarunta waddankaas, halkaasi oo sidoo kale la filayo in madax ka tirsan dowlada federaalka ay kasoo muuqan doonan.

"Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Karaash iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u safray dalka Jabuuti.Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka oo ay ka midyihiin xubno ka mid ah labada gole ee Dowladda, ayaa ka qeybgeli doona munaasibada 27June maalinta xornimada Jabuuti," ayuu yiri Jaamac Dabraani.

Jabuuti oo dhulka Soomaaliyeed horey ka tirsaneyd, xorriyadeedana dib ugala soo noqotay Faransiiska ayaa dal madax banaan ku noqotay heshiis ay ogolaatay dowladii Soomaaliya ee xiligaasi jirtay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa lagu wadaa in uu xafladaasi ka jeediyey khudbad uu dib ugu xusuusunayo taariikhihii hore iyo halgankii xorriyad u dirirka.

Sikastaba, Puntland iyo Jabuuti ayaa wadaaga xiriir soo jireen ah si gaar ah dhinacyadda ganacsiga, dhaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sanadka kasta marka la gaaro xuskan gobolada dalka qaarkood looga dabaaldego, mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo Puntland ayaa ka qeybgala munaasabadaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM